Qarsoodinimada & Badbaadada
Markii ugu dambeysay ee la cusbooneysiiyay: 27 Luulyo 2026
Dulmar gaaban
App-ka Jimicsi xogtaada ma ururiyo. Uma baahnid in aad akoon furato ama is diiwaangeliso, wax macluumaad ahna nalooma soo diro. Wax kasta adiga ayey kugula kaydsan yihiin taleefankaaga ama kombiyuutarkaaga. Haddii aad masaxdo (tirtirto) barnaamijka, xogtaaduna way la masaxmaysaa.
1. Maxaan xog ururinaa?
Eber. Ma lihin wax 'server' ah oo kaydiya xogta dadka ina isticmaala. Waligay kuma weydiin doono magacaaga, iimaylkaaga, lambarkaaga, ama macluumaadka bangigaaga. Sidoo kale, uma baahnid in aad akoon furato.
2. Maxaa ku kaydsamaya qalabkaaga?
Barnaamijku wuxuu isticmaalaa xusuusta biraawsarkaaga si uu u kaydiyo:
- Su'aalihii aad ka jawaabtay markii aad bilaabaysay — sida magaca, jinsiga, da'da, yoolkaaga, meelaha aad diiradda saarayso, khibraddaada, maalmaha iyo waqtiga aad tababaranayso, qalabkaaga, halbeegyada, dhererka iyo miisaankaaga.
- Jimicsiyadii aad kaydisay iyo kuwii aad horay u samaysay.
- Tirada goor ee aad jimicsiga ku celcelisay iyo miisaankii aad qaaday.
- Maalmaha isku xiga ee aad tababaratay iyo taariikhdii ugu dambaysay ee aad jimicsatay.
- Dookhyadaada sida: luqadda, halbeegga cabbirka, iyo qaab-dhismeedka barnaamijka.
- Ilaa 20 farriimood oo ku saabsan cilladaha dhaca, si ay nooga caawiyaan xallinta dhibaatooyinka. Xogtan waligeed nalooma soo diro — qalabkaaga ayey ku hartaa, waxaana la arkayaa oo kaliya haddii aad adigu doorato in aad xogtaada la baxdo.
Dhammaan macluumaadkani waxa uu ku kaydsan yahay qalabkaaga (taleefan/kumbiyuutar). Annagu ma arki karno mana geli karno.
3. Martigelinta website-ka iyo diiwaanka xogta (Server logs)
Website-kan waxa martigelisa shirkadda Cloudflare. Sida caadiga ah ee internet-ka, marka aad furto website-ka, Cloudflare waxay si toos ah u kaydisaa macluumaad farsamo sida ciwaankaaga internet-ka (IP address) iyo nooca biraawsarkaaga si ay bogga kuugu soo bandhigto, amnigana u sugto. Kani waa nidaam iska caadi ah, mana u isticmaalno in aan kugu aqoonsanno ama kugu dabagalno. Faahfaahin dheeraad ah ka eeg sharciga Cloudflare boggan cloudflare.com/privacypolicy.
4. Xiriiriyeyaasha banaanka (External links)
App-ka Jimicsi waxa ku jira badhan aad dooran karto oo ka baara YouTube-ka muuqaalo ku tusiya sida jimicsiga loo sameeyo. Marka aad taabato badhankaas oo kaliya ayaad tegaysaa YouTube, halkaas oo uu ka shaqaynayo sharciga qarsoodinimada ee Google. Haddii aadan waligaa taaban, wax xiriir ah lama samaynayo YouTube.
5. Waxyaabaha aanan samayn
- Xayeysiis ma lihin
- Kuma dabagalno, xogtaadana ma falanqayno
- Ma isticmaalno 'cookies' ka yimaada shirkado kale
- Waligay xog cidna kama iibino, cid kalena lama wadaago
6. Carruurta
Barnaamijka Jimicsi looguma talagalin carruurta ka yar 13 sano. Si kas ah xog uga ma ururinno carruurta.
7. Awooddaada maamul
- La bixidda xogtaada: Aad qaybta “Adiga” → “Xogtaada” → taabo “Soo dejiso xogtayda”. Waxaad helaysaa fayl noociisu yahay JSON.
- Masixidda xogtaada: Aad “Adiga” → taabo badhanka “Tirtir xogta oo dhan”. Tani wax kasta markiiba way masaxaysaa.
- Waxa kale oo aad taleefankaaga ka tirtiri kartaa app-ka (uninstall) ama nadiifin kartaa xogta biraawsarkaaga — shaqo isku mid ah ayey qabanayaan.
Gacanta kuma hayno wax koobbi ah (copy), markaa haddii aad masaxdo, way baaba'aysaa waligeed.
8. Isbedelada ku yimaada sharcigan
Haddii aan mar dambe soo kordhino in akoon la furto ama qayb kasta oo xog ururinaysa, sharcigan waan cusboonaysiin doonaa ka hor inta aanu isbeddelkaasi hirgelin, taariikhda kor ku xusanna way isbedeli doontaa.
9. Nala soo xiriir
Wax su'aalo ah ma qabtaa? Nagala soo xiriir jimicsiapp@gmail.com
health_and_safety Afeef Caafimaad (Health disclaimer)
Jimicsi waa barnaamij isboorti oo bixiya macluumaad guud. Ma aha dhakhtar mana bixiyo talo caafimaad.
La tasho dhakhtar ka hor inta aadan bilaabin barnaamij jimicsi oo cusub — gaar ahaan haddii aad qabto xanuun ama dhaawac, aad leedahay uur, ama aadan wax jimicsi ah samayn muddo dheer. Jooji jimicsiga haddii aad dareento xanuun, dawakhaad, neefta oo kugu yaraata, ama dhibaato kasta oo kale, islamarkaana raadi gargaar caafimaad degdeg ah.
Naftaada ayaad mas'uul ka tahay marka aad jimicsiga samaynayso. Annagu mas'uul kama nihin wax dhaawac ah oo ka dhasha isticmaalka barnaamijkan.
Privacy & Safety
Last updated: 27 July 2026
The short version
Jimicsi does not collect your data. There are no accounts, no sign-up, and nothing is ever sent to us. Everything stays on your own phone or computer. If you delete the app, the data goes with it.
1. What we collect
Nothing. We operate no server that stores customer data. We never ask for your name, email, phone number, or payment details. There is no account to create.
2. What is stored on your device
The app uses your browser's storage (localStorage) to remember:
- Your onboarding answers — name, gender, age, goals, focus areas, experience, training days, session length, equipment, units, height and weight
- Saved exercises and your completed workout history
- Sets, repetitions and weights you log
- Your streak and the date of your last workout
- Preferences: language, measurement units, and navigation layout
- Up to 20 short browser error messages to help diagnose problems. These are never transmitted — they stay on your device and are included only if you personally choose to export your data.
This information lives on your device. We cannot see it.
3. Hosting and server logs
This website is hosted by Cloudflare. As with any internet server, when you open the page Cloudflare automatically logs technical information such as your IP address and browser type in order to deliver the page and protect against attacks. This is standard web infrastructure and we do not use it to identify or track you. See Cloudflare's policy at cloudflare.com/privacypolicy.
4. External links
Jimicsi includes an optional button that searches YouTube for an exercise demonstration. Only when you tap it do you leave for YouTube, where Google's privacy policy applies. If you never tap it, no such connection is made.
5. What we do not do
- No advertising
- No tracking or analytics
- No third-party cookies
- We never sell or share data with anyone
6. Children
Jimicsi is not directed at children under 13. We do not knowingly collect personal information from children.
7. Your control
- Export your data: “You” → “Your data” → “Download my data”. You get a JSON file.
- Delete your data: “You” → “Reset all data”. This erases everything immediately.
- You can also uninstall the app or clear your browser data — the effect is the same.
We hold no copy, so once you delete it, it is gone.
8. Changes to this policy
If we later add accounts or any feature that collects data, this policy will be updated before that change takes effect, and the date above will change.
9. Contact
Questions? Contact us at jimicsiapp@gmail.com
health_and_safety Health disclaimer
Jimicsi is a fitness app providing general information. It is not medical advice.
Consult a doctor before beginning any new exercise programme — especially if you have a medical condition or injury, are pregnant, or have not exercised for a long time. Stop exercising if you feel pain, dizziness, shortness of breath, or any other distress, and seek medical attention.
You exercise at your own risk. We are not liable for injury resulting from use of this app.