Jimicsi
Xogtaadu adigay kuu gaar tahayYour data is yours

Asturnaanta & NabadgelyadaPrivacy & Safety

Markii ugu dambeysay ee la cusbooneysiiyay: 27 Luulyo 2026 Last updated: 27 July 2026

Dulmar gaabanThe short version

App-ka Jimicsi xogtaada ma ururiyo. Uma baahnid in aad akoon furato ama is diiwaangeliso, wax macluumaad ahna nalooma soo diro. Wax kasta adiga ayey kugula kaydsan yihiin taleefankaaga ama kombiyuutarkaaga. Haddii aad tirtirto barnaamijka, xogtaaduna way la tirtirmaysaa.

Jimicsi does not collect your data. There are no accounts, no sign-up, and nothing is ever sent to us. Everything stays on your own phone or computer. If you delete the app, the data goes with it.

1Maxaan xog ururinaa?What we collect

Waxba. Ma lihin wax 'server' ah oo kaydiya xogta dadka isticmaala app-ka. Waligeen ku weydiin mayno magacaaga, iimaylkaaga, lambarkaaga, ama macluumaadka bangigaaga. Sidoo kale, uma baahnid in aad akoon furato.

Nothing. We operate no server that stores customer data. We never ask for your name, email, phone number, or payment details. There is no account to create.

2Maxaa ku kaydsamaya qalabkaaga?What is stored on your device

Barnaamijku wuxuu isticmaalaa xusuusta biraawsarkaaga (localStorage) si uu u kaydiyo:

The app uses your browser's storage (localStorage) to remember:

  • Su'aalihii aad ka jawaabtay markii aad app-ka furaysay — sida magaca, jinsiga, da'da, yoolkaaga, meelaha aad diiradda saarayso, khibraddaada, maalmaha iyo waqtiga aad tababaranayso, qalabkaaga, halbeegyada, dhererka iyo miisaankaaga.
  • Jimicsiyadii aad kaydisay iyo taariikhdaadii tababarka ee hore.
  • Tirada sedyada (sets), celiska (reps), iyo miisaankii aad qaaday.
  • Maalmaha isku xiga ee aad tababaratay iyo taariikhdii ugu dambaysay ee aad jimicsatay.
  • Dookhyadaada sida: luqadda, halbeegga cabbirka, iyo qaab-dhismeedka barnaamijka.
  • Ilaa 20 farriimood oo ku saabsan cilladaha dhaca, si ay nooga caawiyaan xallinta dhibaatooyinka. Xogtan waligeed nalooma soo diro — qalabkaaga ayey ku hartaa, waxaana la arkayaa oo kaliya haddii aad adigu doorato in aad xogtaada soo dejisato.
  • Your onboarding answers — name, gender, age, goals, focus areas, experience, training days, session length, equipment, units, height and weight
  • Saved exercises and your completed workout history
  • Sets, repetitions and weights you log
  • Your streak and the date of your last workout
  • Preferences: language, measurement units, and navigation layout
  • Up to 20 short browser error messages to help diagnose problems. These are never transmitted — they stay on your device and are included only if you personally choose to export your data.

Dhammaan macluumaadkani waxa uu ku kaydsan yahay qalabkaaga (taleefan/kumbiyuutar). Annagu ma arki karno mana geli karno.

This information lives on your device. We cannot see it.

3Martigelinta website-ka iyo diiwaanka xogtaHosting and server logs

Website-kan waxa martigelisa shirkadda Cloudflare. Sida caadiga ah ee internet-ka, marka aad furto website-ka, Cloudflare waxay si toos ah u kaydisaa macluumaad farsamo sida ciwaankaaga internet-ka (IP address) iyo nooca biraawsarkaaga si ay bogga kuugu soo bandhigto, amnigana u sugto. Kani waa nidaam iska caadi ah web-yada, mana u isticmaalno in aan kugu aqoonsanno ama kugu dabagalno. Faahfaahin dheeraad ah ka eeg sharciga Cloudflare boggan cloudflare.com/privacypolicy.

This website is hosted by Cloudflare. As with any internet server, when you open the page Cloudflare automatically logs technical information such as your IP address and browser type in order to deliver the page and protect against attacks. This is standard web infrastructure and we do not use it to identify or track you. See Cloudflare's policy at cloudflare.com/privacypolicy.

4Xiriiriyeyaasha banaankaExternal links

App-ka Jimicsi waxa ku jira badhan ikhtiyaari ah oo ka baara YouTube-ka muuqaalo ku tusiya sida jimicsiga loo sameeyo. Marka aad taabato badhankaas oo kaliya ayaad tegaysaa YouTube, halkaas oo uu ka shaqaynayo sharciga asturnaanta ee Google. Haddii aadan waligaa taaban, wax xiriir ah lama samaynayo YouTube.

Jimicsi includes an optional button that searches YouTube for an exercise demonstration. Only when you tap it do you leave for YouTube, where Google's privacy policy applies. If you never tap it, no such connection is made.

5Waxyaabaha aanan samaynWhat we do not do

Wax xayeysiis ah ma lihinNo advertising
Kuma dabagalno xogtaadana ma falanqaynoNo tracking or analytics
Ma isticmaalno 'cookies' qolo saddexaad (third-party)No third-party cookies
Waligeen xog cidna kama iibino, cid kalena lama wadaagnoWe never sell or share data with anyone

6CarruurtaChildren

Barnaamijka Jimicsi looguma talagalin carruurta ka yar 13 sano. Si kas ah xog uga ma ururinno carruurta.

Jimicsi is not directed at children under 13. We do not knowingly collect personal information from children.

7Awooddaada maamulYour control

  • Soo dejisashada xogtaada: Aad qaybta “Adiga” → “Xogtaada” → taabo “Soo dejiso xogtayda”. Waxaad helaysaa fayl noociisu yahay JSON.
  • Dib u soo celinta xogtaada: Aad “Adiga” → “Xogtaada” → taabo “Dib u soo celi faylka”, kolkaas dooro faylka aad hore u soo dejisatay. Faylku wuxuu ka baxaa oo ku soo noqdaa taleefankaaga oo kaliya — annaga nagama marayo.
  • Tirtiridda xogtaada: Aad “Adiga” → taabo badhanka “Tirtir xogta oo dhan”. Tani wax kasta markiiba way tirtiraysaa.
  • Waxaad kale oo taleefankaaga ka tiri kartaa app-ka (uninstall) ama aad nadiifin kartaa xogta biraawsarkaaga — shaqo isku mid ah ayey qabanayaan.
  • Export your data: “You” → “Your data” → “Download my data”. You get a JSON file.
  • Restore your data: “You” → “Your data” → “Restore from a backup file”, then pick the file you downloaded earlier. The file goes straight from your device back to your device — it never passes through us.
  • Delete your data: “You” → “Reset all data”. This erases everything immediately.
  • You can also uninstall the app or clear your browser data — the effect is the same.

Ma hayno wax koobbi ah (copy), markaa haddii aad tirtirto, way baaba'aysaa waligeed.

We hold no copy, so once you delete it, it is gone.

8Isbedelada ku yimaada sharciganChanges to this policy

Haddii aan mar dambe soo kordhino in akoon la furto ama adeeg kasta oo xog ururinaya, sharcigan waan cusboonaysiin doonaa ka hor inta aanu isbeddelkaasi hirgelin, taariikhda kor ku xusanna way isbedeli doontaa.

If we later add accounts or any feature that collects data, this policy will be updated before that change takes effect, and the date above will change.

9Nala soo xiriirContact

Wax su'aalo ah ma qabtaa? Nagala soo xiriir jimicsiapp@gmail.com

Questions? Contact us at jimicsiapp@gmail.com

Afeef CaafimaadHealth disclaimer

Jimicsi waa barnaamij isboorti oo bixiya macluumaad guud. Ma aha dhakhtar mana bixiyo talo caafimaad.

Jimicsi is a fitness app providing general information. It is not medical advice.

La tasho dhakhtar ka hor inta aadan bilaabin barnaamij jimicsi oo cusub — gaar ahaan haddii aad qabto xanuun ama dhaawac, aad leedahay uur, ama aadan wax jimicsi ah samayn muddo dheer. Jooji jimicsiga haddii aad dareento xanuun, dawakhaad, neefta oo kugu yaraata, ama dhibaato kasta oo kale, islamarkaana raadi gargaar caafimaad degdeg ah.

Consult a doctor before beginning any new exercise programme — especially if you have a medical condition or injury, are pregnant, or have not exercised for a long time. Stop exercising if you feel pain, dizziness, shortness of breath, or any other distress, and seek medical attention.

Naftaada ayaad mas'uul ka tahay marka aad jimicsiga samaynayso. Annagu mas'uul kama nihin wax dhaawac ah oo ka dhasha isticmaalka barnaamijkan.

You exercise at your own risk. We are not liable for injury resulting from use of this app.